Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in ay irridaha isugu dhufanayso dhammaan Qunsuliyadaha ay Iiraan ku leedahay dalkaasi, ka dib markii ay Iiraan toogatay Maxbuus Jamshid Sharmahd lagu magacaabo oo ah Iiraani haysta dhalashada Jarmalka – kaasi oo lagu eedeeyey argagixisonimo.
Wasaaradda Arrimaha-dibedda Jarmalka ayaa sidoo kale u yeedhatay Safiirkeedii Tehraan, waxa ayna kii Iiraa fartay in uu dalkiisa latashi u aado.
Jarmalka ayaa ugu baaqay dalalka Yurub in ay liiska argagixisada ku daraan Ilaalada Kacaanka Iiraan.