Boqolaal kamid ah ciidamada xoogga dalka SNA ayaa isku dhiibay ciidanka Kenya, kuwaas oo ka gudbay deegaanka Ishakani oo ah deegaan xaduud u dhaxaysa labada dal ee Soomaaliya & Kenya.
Ciidamada ayaa kamid ahaa Boqolaal ay DFS u daabushay Raaskambooni todobaadyadii u dambeeyey, Madaxweyne Xassan Sheekhna uu 2 habeen kahor u sheegay wakiilada caalamiga ah in uu ku qabsanayo Kismaayo, oo aan wada hadal ka furneyn.
Dhinaca kale Dagaal culus oo mar kale galabta Raaskaanbooni ku dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland, waxaana ilo wareedyo ay tilnaamayaan in Jubbaland ay qarka u saaran tahay inay la wareegto magaaladaasi.
Waxaana dagaal galabta ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaadhay labada ciidan ee Soomaaliyeed.