Heemaal News Network

Dawlada Oo Ciidamo kala Dhax-dhigtay Maleeshiyaad Dagaal Uu Dhax maray.(Sawirro)

Ciidamo katirsan booliiska maamulka Hirshabelle ayaa lakala dhax dhigay labo maleeshiyo beeleed oo dhawwaan ku dagaallamay deegaano hoostaga degmooyinka Ceelbaraf iyo Jalalaqsi oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Guddoomiyaasha gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe oo ay wehliyaan saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa ku baxay daminta colaada labada maleeshiyo beel u dhaxeysay, waxa ayna ugu dambeyn ka shaqeeyeen in ciidamo lakala dhax dhigo labada maleeshiyo.

Maleeshiyaadkii kasoo kala jeeday Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan ee ku dagaallamay xadka labada gobol ayaa lakala qaaday, waxaana dib u furmay isku socodkii labada gobol iyo sidoo kale ganacsigii ka dhaxeeyay.

Dagaalka dhax maray labada maleeshiyo beeleed ayaa dhaliyay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana xusid mudan deegaannada labada maleeshiyo beeleed ku dagaallameen horey looga saaray kooxda Al Shabaab oo sannado maamuleysay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Idaacadii Andalus Ee Alshabaab Iyo Warshad Qaraxyada Samaynaysay Oo La Burburiyey

Heemaal

Maxa kasoo Baxay Shirkii Shirgudoonka Baarlamaanka iyo M/Biixi In Reer Awdal loo Xiro Xisbi Iyo Qodbo kale

Heemaaln

Xil. Stuart Polak Oo Aqoonsiga Somaliland Ugu Dhex Olaleeyay Golaha Odayaasha Ingiriiska

Heemaaln