Heemaal News Network

Dawlada Oo Sheegtay In Heshiiska ay Somaaliya la Gashay Masar loo Badali Doono Ficil

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa ka warbixiyay booqashooyinka, kulamada iyo daddaalada diblomaasiyadeed ee madaxda Qaranku waddo tan iyo 1-dii bishaan oo uu soo if baxay damaca gurracan ee Ethiopia.

Wasiirk Balcad ayaa sheegay in dowladda ay billawaday dagaal diblomaasiyadeed ee looga hor tagayo damaca gurracan ee Itoobiya ee Badda Soomaaliya, kaas uu ku sheegay in uu ahaa dagaal aan la’isku qaadan qori.

Waxa uu intaa ku darayn heshiiskan uu ka khatar badan yahay Al-Shabaab uuna yahay xadgudub si bareer ah loogu soo xadgudbay qaranimada iyo Madaxbannaanida ummaadda Soomaalieed.

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad “Al-Shabaab waxa ay wax u dhimeen amniga iyo qaab nololeedkeena, laakiin waxaba uma dhimin qaranimadeena iyo Midnimadeena, balsa heshiiskaan waxa uu waxa u dhimay qarannimada iyo wajirkeenna.”

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa tilmaamay in dalka shirkii dalka Uganda ka qabsoomay ee isugu yimadeen madaxda dalalka dhexdhexaadka ah oo looga hadlay xadgudubka Itoobiya ay Soomaaliya.

Dhanka kale Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay, isaga oo xusay heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar in loo badali doona ficil

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maxay ka Wada-hadleen Xassan Sheekh iyo Dhigiisa William Ruto (Sawirro)

Heemaaln

Dowlada Somaliya ayaa markale Caddeysay inay Diiddantahay Heshiiskii Abiy Axmed iyo M/Biixi

Heemaaln

Aabbaha Dhalay Gabadhii Ninkeedu Gubay Oo Go’aan Adag ka Qaatay Waan-waan Lagu Cafinayo

Heemaaln