Dagaalka ka qarxay degmada Baardhaare ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaallamay, waxaa sidoo kale la soo tabinayaa inay jiraan khasaarooyin dagaalka ka soo gaaray dad shacab ah.
Dadka dagaalka Baardheere ku dhintay saaka waxaa ka mid ah Maxamed Ilyaas Caagane oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ay dhowaan dowladda Soomaaliya u magacowday maamulka degmada Baardheere, waxaa uuna ahaa ninkan guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee degmadaasi.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA DF