Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa loogu baaqay maleeshiyaadka labada beel ee dagaallamaya in dagaalka joojiyaan, iska markaana fursad siiyaan nabada iyo wadahadalka .
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaana ugu baaqday waxgaradka, culumaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada beelaha dagaallamaya in ay colaad ku baxaan kana shaqeeyaan sidii dagaalka loo joojin lahaa.
Dagaalka u dhaxeeya beelaha kala dega degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa saakay ka qarxay deegaanno u dhaxeeya labada degmo, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac .