Heemaal News Network

Dawlada Qadar Oo la Shaagay Inay Xirayso Xafiiskii Ururka Xamaas

Wakaaladaha iyo shabakadaha wararka ayaa tan iyo saakay ka soo wariyay dhinaca Qatar in Dooxa ay qaadatay go’aan ay uga tagayso Xamaas, kaddib markii la sheegay in la xirayo xafiiska siyaasadda ururka iyo sidoo kale inay Qatar ka baxday dhex dhexaadintii wada-xaajoodyada lagu raadinayay xabbad joojinta Qasa — wararkan oo xataa ay soo xigatay shabakadda Al Jazeera, sidoo kalena laga sii daayo telefishinka Al Jazeera oo ay taageerto dawladda Qatar.

Sarkaal ka tirsan Xamaas, ayaa sidoo kale ay Al Jazeera ka soo xigatay in lagu wargeliyay ka bixitaanka Qatar ee dhex dhexaadinta xabbad joojinta Qasa , balse ma jiro wax ogeysiis ah oo Xamaas lagu wargeliyay in la xirayo xafiiska siyaasadda ee ku yaal Dooxa.

Taariikhda xafiiska Xamaas ee magaalada Dooxa ayaa soo billaabatay sannadkii 2012-kii, kaddib markii uu xumaaday xiriirka dhaqdhaqaaqa iyo maamulka Suuriya, iyadoo Xamaas ay markaas go’aansatay inay garab istaagto mucaaradka Suuriya oo ay xiriirka u jarto nidaamka Bashaar Al-Asad.

𝐃𝐨𝐨𝐱𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐦𝐢𝐬𝐡𝐢𝐪;

Xafiiska siyaasadda iyo xarunta dhexe ee Xamaas , wuxuu ku yaalay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, ka hor sannadkii 2012-kii, balse maamulka Suuriya wuxuu xidhay xafiisyo ay ku lahaayeen Dimishiq saraakiil ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas oo muddo dheer ka mid ahaa xulafada ugu dhow ee Bashaar Al-Asad.

Dabayaaqadii 2012, Amiirkii hore ee Qatar, Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani, ayaa booqday Marinka Qasa, isagoo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Carbeed ama caalami ah oo booqda tan iyo markii Xamaas ay la wareegtay gacan ku heynta Qasa sannadkii 2007. Xilligaas waxaa si weyn u kordhay saamaynta Qatar ee gobolka.

Intaa ka hor, Xamaas waxay horeba ku lahayd magaalada Dooxa xafiis siyaasadeed, halkaas oo xubnaha sare ee dhaqdhaqaaqa ay si joogto ah u degganaayeen, ilaa maantana hawlahooda ay ka sii wadaan.

𝐔𝐣𝐞𝐞𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐚𝐚𝐬 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐨𝐱𝐚

Sarkaal ka tiran dawladda Qatar ah, oo aan la magacaabin ayaa u sheegay wargeyska Financial Times in dawladda Mareykanka ay lahayd fikrada in hoggaamiyayaasha Xamaas la dejiyo Dooxa, iyadoo Mareykanka uu ka codsaday markii u horreysay Qatar sannadkii 2006 in Dooxa ay saldhig u noqoto hoggaanka Xamaas si loo helo hab lagula xiriiro, waqtigaa oo ay Xamaas ku guuleysatay doorashadii u horreysay ee Falastiiniyiinta ay codkooda ka dhiibtaan.

“Xafiiska siyaasadeed ee Xamaas waxaa si isdaba joog ah loogu isticmaalay dadaallo dhexdhexaadin oo waaweyn oo ay isku dubarideen maamulo badan oo Mareykan ah.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dawladda Qatar.

Sarkaalka waxaa kalo uu sheegay , in xafiiska siyaasadda Xamaas ee Qatar la asaasay ka dib kacdoonkii guga Carabta ee 2011, iyadoo Maraykanku ka baqayay in dhaqdhaqaaqo saldhigyo ka samaysto Iran ama Lubnaan; Wax u muuqda wel wel uu Mareykanka ka qabay wax soosaar militari inay dalalkaa ka heli kartay Xamaas..!

Muddo sannado ah , Qatar waxay taageero dhaqaale siisay marinka Qasa, oo ay maamusho Xamaas oo Israa’iil ay go’doomisay tan iyo 2007. Saraakiisha Dooxa ayaa xaqiijiyay in tani ay u dhacaysay iyado si buuxda loola shaqeeyno Israa’iil, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka; Waa wax u dhigma nooc kasta oo deeq ay dawladda Qatar siinaysay marinka Qasa in dhinacyaada la ogeysiiyay..!

Balse markii uu dhacay weerarkii Oktoobar, 7 — wax walba Mareykanka waa ay la xumaadeen, xilligaa oo booqashadii u horreysay uu Qatar ku tagay markii uu weerarka dhacay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken uu u sheegay saraakiisha Qatar inaysan sii socon karin xiriirka Qatar ay la leedahay Xamaas, isla waqtigaa Mareykanka ayaa soo jeediyay in haddii aysan Xamaas oggolaan sii deynta maxaabiista , markaa Qatar waa inay xirta xafiiska Xamaas oo hoggaamiyayaasha ururka ka saartaa dalkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa xilligaas difaacay xafiiska dhaqdhaqaaqa, isagoo xusay in loo isticmaalay ujeeddada “xiriirka iyo dejinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Hadda ma jirto sharraxaad loo heli karo go’aamada laga soo wariyay dhinaca dawladda Qatar ee xiritaanka xafiiska siyaasadda Xamaas iyo ka bixitaanka dhex dhexaadinta wada-xaajoodyada xabbad -joojinta Qasa, balse tallaabooyinkan waxay noqdeen kuwa si dhaqso ah loogu soo dhaweeyay dhinaca Israa’iil , kaddib markii shabakadda Axios ee u xaglisa reer galbeedka ay ka soo xigatay sarkaal ka tirsan maamulka Israa’iil in go’aanka Qatar ay soo dedejisay doorashada Trump , waqtigaanna Telaabiib waxay u aragtaa arrin u wanaagsan in Dooxa laga saaro hoggaanka Xamaas.