Dawlada Qatar ayaa isu keentay Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame iyo dhiggiisa DR Congo, Félix Tshisekedi; iyaga oo isku raacay in la dhaqan geliyo xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah oo lagu soo afjarayo colaadda Bariga Congo, taasi oo u dhaxaysa dowladda dalkaasi iyo kooxda M23 oo taageero ka hesha Rwanda.
Dowladaha Afrika ayaa ku guul-darraystay xal u helista xiisadda dagaal DR Congo iyo Rwanda, taasoo mudo dheer socotay.