Heemaal News Network

Dawlada Somalia Oo Qareen u Qabatay Burcad Baddeed Lagu Maxkamadeynayo India

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa goob joog ka ah dhageesiga horgeynta Maxkamadeed ee muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya 35 muwaadin kuna sugan saldhiga Yellow gate ee Magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Maxkamada (Kala Ghoda) ayaa maanta waxaa ka furmaya kiiska Muwaadiniintaan iyadoo Safaaraddu u qabatay Qareen Mr Vishwajeet Singh in uu Maxkamadda horteeda uga doodo muwaadiniintan Soomaaliyeed ee lala-xariirinayo fal Burcad-badeednimo.

Dowladda Hindiya ayaa dhowaan magaalada Mumbai gaysay 35 ruux oo burcad baddeed Soomaali ah, maalmo ka dib markii ciidamadeeda baddu ay howlgal ay ku furteen shaqaalihii iyo markabkii MV Ruen ka fuliyeen biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya.

Afduubkii bishii December ee sanadkii hore lagu qaaday markabka MV Ruen ee uu ka dul babbanayay calanka Malta ayaa ahayd markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2017-kii oo lagu guulaysto in markab nooca xamuulka ah kooxaha burcad badeedda Soomaalida laga soo furto.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxwaynaha Maamulka SSC Khaatumo Oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta

Heemaaln

Samira Gayid:-“Turkiga kuma Qasbana inuu Somaliya ka Difaaco Itoobiya Laakiin Hal Arin Oo Muhim ah.”

Heemaaln

Xasan Sheekh Oo Safar kugu Baxaya Itoobiya iyo Xiisada labada dal Oo Wali Taagan

Heemaaln