Dawladda Soomaaliya waxay u muuqataa inay dib u hagaajinayso xiriirka Iran, iyadoo hadda wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay si adag u cambaaraysay weerarkii Israa’iil ay xalay ku qaaday Iran , waxayna Soomaaliya ku sheegtay weerarka inuu xad-gudub ku yahay madax bannaanida Iran iyo shuruucda caalamiga ah, sidoo kale Muqdisho ayaa soo horjeesatay fiditaanka dagaalka ee bariga dhexe.
Inta badan dalalka Jaamacadda Carabta iyo ururka iskaashiga Islaamka ayaa cambaareeyay weerarka ay Israa’iil ku qaaday Iran, kaasoo ay uga jawaabaysay weerarkii gantaallada ee kowdii bishan ay Iran ku qaaday Israa’iil.