Dayuuradahan oo qiimahooda yahay 16 milyan oo dollar ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee hal mar la keeno dalka tan iyo markii Somalia laga qaaday cunaqabateynta hubka.
Helikobter-ka Bell 412 , waa mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya ee diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxay leeyihiin labo matoor iyo hannaan awood u siinaya xaaladda cimilada qalafsan.
Waxaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan la-dagaallanka Al shabaab, waa diyaaraddo cusub dhammaantood oo awood u siinaya in si degdeg ah loo geeyo ciidamada iyo saadka gobollada fog fog waxayna fududeynayaan soo daabulida dhaawacyada. Waxaa kalo ay fulin karaan howlgallada baadi-goobka iyo ka jawaabida xaaladaha deg dega ah.