Heemaal News Network

Dawlada Somaliya Oo Madaxweynaha Jaamacadda Islaamka kala Hadashay Tagerada Ardayda Somalida

Safiirka Dawlada Somaliya Mudane Sheeknuur Maxamed Xasan, ayaa Dalka Bakistaan kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jaamacadda Islaamka ee Islamabad Dr. Axmed Shuja Sayed, Kulankaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadista iskaashiga tacliinta iyo taageerada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacaddaas.

Safiirku wuxuu ku bogaadiyay madaxa Jamaacada doorka ay ka qaataan garab siinta arday Soomaaliyeed, isagoo xusay in masuuliyiin badan oo xilal muhiim ah ka haya Soomaaliya ay ka qalin jabiyeen Jaamacadda.

Madaxweynaha Jaamacadda Dr. Axmed Shuja Sayed ayaa Safiirka JFS warbixin ka siiyey dadaallada ay ku horumarinayaan adeegyada ardayda sida inay helaan dhismayaal u gaar ah ardayda ajaanibta ah.

Ugu dembayntii labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka tacliinta labada Dal.