Shir muhiim ah, oo lagu xalinayay Culaysyadii ay ka cawdeen Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maanta wajigiisii 1-aad waxaa lagu qabtay Xarunta Dekadda Magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay ka soo qabgaleen Taliye-yaasha, Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Dekadda Muqdisho.
Qodobada ugu muhiimsan ee maanta xalka laga gaaray waxaa kamid ah kuwii ugu muhiimsanaa,
๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐ฅ๐ ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐ ๐๐จ๐ง๐ญ๐๐๐ง๐๐ซ ๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo shirka kadib warbixin kooban la wadaagay Saxaafadda ayaa sheegay culeysyadii dhaqaale ee cabashadu katimid in meesha laga saaray, sidoo kalena waxa uu sheegay in maata laga bilaabo aysan dhicidoonin cabashooyin ka yimaada Jabinta Konteenarku marka uu soo gaaro dakadda magaalada Muqdisho.
Qodobka Labaad,
๐๐จ๐จ๐ ๐๐ฅ๐ข๐๐๐ ๐๐๐ค๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐-๐ ๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐๐๐๐ก๐.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay wadatashi dheer kadib in la xaliyay dhammaan cabashooyinkii ay ka qabeen Ganacsatada arrimaha ID, balse qaabka loo xaliyay iyo sida uu noqon doono waxaa dib ka soo sheegidoona Maamulka Dekadda Magaalada Mudqdisho.
Qodobka Sadexaad,
๐๐๐๐๐ ๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ฅ๐๐ ๐ ๐ช๐๐๐๐ข ๐ฃ๐ข๐ซ๐๐ฒ ๐ ๐๐๐๐ข๐ข๐๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข ๐๐ ๐ค๐ ๐ ๐ฎ๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐๐ซ๐จ๐จ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐.
Waxaa gabi ahaanba la baabiโiyay dhammaan lacagihii lagu qaadijiray baraha hubinta ee looga boxo Magaalada Muqdisho, sida waddooyinka u kala baxa Balcad, iyo Afgooye, kulankii maanta ayaa la isku raacay in mardambe aysan dhicin cabasho nuucaas oo kale ah.
Dhanka kale waxaa laga wada hadlay arrimo ubadan ๐๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ, taas oo iyana lagu balamay in laxaliyo dhammaantood, iyada oo ay jiridoonaan kulamo kale oo loo balamay.