Dawlada Spain, ayaa shaacisay inuu ku biirayo dacwada ay Koonfur Afrika ka gudbisay Israa’iil ee ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda , si Israa’iil loogu ciqaabo xasuuqa ay ka gaysanayso Qasa, iyadoo go’aanka Spain uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha dibadda, Jose Manuel Albares.
Spain waa waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee ku biira dacwadan ka dhanka ah Israa’iil oo sidoo kale ay dhowaan ku biireen dalalka Chile iyo Mexico.