Heemaal News Network

Dawlada Turkiga Oo Qorshaynaysa Inay Wada-hadal Iskugu Keento Xasan Sheekh Iyp Abiye Axmed.

Dowladda Turkiga ayaa qorshaynaysa in ay wada-hadal toos isugu geyso Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh iyo Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed; si ay xal uga gaadhaan xiisadda cirka isku sii shareeraysa ee ka dhalatay Is-afgaradkii Badda ee Addis Ababa iyo Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtey in aysan hor-fadhiisanayn Itoobiya, ilaa ay ka laabato is-fgaradka Badda, madaxweyne Xasan Shiikh oo u socdaalay Ankara ayaana la eegaya sida uu u wajahayo wada-hadallada, iyada oo xilligan ay xiisadda labada dhinac sii kordhisay khilaafka DFS iyo Jubbland.