Wasaaradda Difaaca ee UK ayaa xaqiijisay in nidaamyo cusub oo difaaca cirka ah la howlgeliyay gobolka Khaliijka, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalabka Lightweight Multirole Launcher ee Bahrain iyo nidaamyada Rapid Sentry iyo ORCUS ee Kuwait.
Dhanka kale, diyaaradaha dagaalka ee Typhoon, F-35 iyo Wildcats ayaa sii wada howlgallada difaaca ee ka socda hawada sare ee Cyprus, Qatar, imaaraadka Carabta iyo Bahrain.
Saraakiisha qorsheynta milatariga UK ayaa sidoo kale la shaqeynaya CENTCOM si loo sugo amniga marinka Hormuz marka ay xiisaduhu yaraadaan.

