Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine Andrii Sybiha ayaa maanta xaqiijiyay inay dawladda Soomaaliya taageertay madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Ukraine, kaddib wadahadal uu telefoonka kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
Ukraine , waxay boggaadisay ka qeybgalka madaxweynaha Soomaaliya ee shirkii u horreyay ee nabadda Ukraine oo bartimihii sannadkii hore lagu qabtay dalka Switzerland, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Ukraine uu sheegay inay garawsanyihiin baahida loo qabo in la sameeyo xiriir diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Ukraine , si loo ballaariyo iskaashiga labada dhinac.
Soomaaliya oo miisaaniyadeeda iyo mashaariicda dalka oo ay ku jiraan kuwa adeegga bulshada ay taageerraan xulafada Ukraine ee reer Yurub iyo Marekanka , wuxuu ku soo aaday wada-hadalka ay ku taageertay Ukraine , xilli Soomaaliya ay fadhiisatay kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay , madashaa oo muhiimad u leh Ukraine , sabab la xiriirta taageerrada diblomaasiyadeed iyo inay sare u qaado cododka ka soo horjeeda Ruushka.