Heemaal News Network

Dawladaha khaliijka Oo Iran u Muujiyay Inay Dhex-dhexaad ka Noqonayan Xiisada Bariga Dhexe

Dawladaha khaliijka ayaa la sheegay inay u gudbiyeen Iran inaysan ka soo horjeedin, islamarkaana ay si dhex dhexaadnimo ah ay u dhaqmayaan, kaddib kulamo magaalada Doha ku dhexmaray wakiillada khaliijka iyo Madaxweynaha Iran.

Ujeeddada kulankan ayay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay inay dalalka khaliijka ka walaacsanyihiin colaadda gobolka inay dhaliso weerarro ka dhaca xarumahooda shidaalka.

Isku muujinta dalalka khaliijka inay dhex dhexaad ka yihiin ayaa waxay ka dambeysay markii dhowaan ay Iran ku hanjabtay inay weerarri doonto dal kasta oo gacan ku siiya Israa’iil duulaanka ay ka wado gobolka iyo gaar ahaan iskudayga ay ku doonayso inay Israa’iil ka jawaabto weerarkii gantaallada ee Iran.