Dawladda Jordan, ayaa maanta ku dhawaaqday in laga mamnuucay gudaha dalka Jordan — ururka Ikhwaanul Muslimiin , iyadoo lala wareegayo hintida iyo xafiisyada ururkan, qof kasta oo ku biira ayaa sidoo kale loo aqoonsan doonaa dambile, mana jiro doono dhaqdhaqaaqyo ururkan la xiriira oo ka dhici kara gudaha Jordan , sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Jordan.
Ururka Ikhwaanul Muslimiin, ayaa taageerrayaal badan ku leh Jordan , kuwaasoo qaban qaabiya dhaqdhaqaaqyada looga soo horjeedo xiriirka Jordan iyo Israa’iil iyo xasuuqa ay Israa’iil ka wado marinka Qasa.
Horey, dalalka Carabta oo ay ugu horreyaan; Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxrayn ayaa u mamnuucay ururkan oo ay u aqoonsadeen urur argixiso ah, tan iyo wixii ka dambeeyay kacdoonkii halista geliyay kuraasta boqoradda Carbeed.