Heemaal News Network

Dawlada Pakistan Oo ka Digtay Suragalnimada Weerar ay Hindiya Doonayso inay ku soo Qaado Pakistan

Saraakiisha sirdoonka milatariga Pakistan, ayaa la wadaagay hoggaanka sare ee dawladda Pakistan inay arkayaan suragalnimada weerar ay Hindiya doonayso inay ku soo qaado Pakistan, tan oo ay xigtay in wasiirka difaaca Pakistan,Khawaja Asif uu ku dhawaaqay inay Hindiya soo weerarri doonto Pakistan.

Wasiirka ayaa sheegay in xaaladan ay ku riixeyso milatariga Pakistan inay si dhammeystiran isku diyaariyaan, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ma cadda haddii hadalka ka soo baxay dawladda Pakistan uu la xiriiro mid ay ku doonayso inay ku daboosho dhaqdhaqaaqyada aan horey loo arag ee ay wadaan milatariga Pakistan oo nidaamyo gantaallo oo aan horey loo geyn xadka Hindiya, hadda halkaa lagu daabulaya.

Sidoo kale diyaaradaha milatariga Pakistan ayaa waxay billaabeen inay dibadda kala yimaadaan tiknoolajiyada ay ugu horreeyaan nidaamyada la socodka hawada iyo agab kale oo milatari, halka Turkiga u muuqdo mid ku lug yeeshay xiisadan, kaddib markii 48 saac ee u dambeysay diyaaradaha milatariga Turkiga ay ka degayeen garoommada milatariga ee ku yaalla Pakistan, iyadoo markii dambe wasaaradda difaaca Turkiga ay sheegtay in diyaaradaha milatari ee Turkiga oo lagu arkay garoommada Pakistan inaysan wax hub ah geyn,balse halkaa ay u tageen inay shidaal ka qaataan!