Heemaal News Network

Dawladda Qatar Oo ka Baxday Dhex-dhexaadinta Xabad-joojinta Qaza Xiraysana Xafiiskii

Dawladda Qatar ayaa ka baxday dhex-dhexaadinta wada-xaajoodyada lagu raadinayay heshiis xabbad-joojinta Qasa, iyadoo ku wargelisay Xamaas iyo Israa’iil, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Qatar waxay laf-dhabar u ahayd dadaallada lagu raadinayay heshiis xabbad joojin ah oo laga gaaro dagaalka Qasa , balse waxaa fashilmay heshiis kasta , maaddama aanan lagu soo darin soo afjarida dagaalka Qasa.

Sidoo kale wararka soo baxaya ayaa shrrgaya inay Qatar xireyso xafiiska siyaasadeeda ururka Xamaas ee ku yaalla Dooxa, shabakadda Al Jazeera oo ay taageerto dawladda Qatar ayaa iyadoo xiganaysa Reuters, waxay baahisay in wargelinta ah joojinta howlaha xafiiska siyaasadda Xamaas ee Dooxa in la gaarsiiyay hoggaanka Xamaas.

Ma-cada inay Qatar ku wargelisay hoggaanka Xamaas inay ka baxaan Dooxa oo ay xiraan xafiiskooda, wallow illaa hadda uusan jirin war ka soo baxay dhinaca dawladda Qatar oo lagu diidday ama lagu xaqiijiyay go’aanka la sheegay inay ku cayrisay hoggaanka Xamaas.