Heemaal News Network

Dawladda Shiinaha Oo Taageertay Madax-bannaanida iyo Amniga Iran

Dawladda Shiinaha ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay taageerrayso madax bannaanida iyo amniga Iran , kaddib wada-hadal ay maanta telefoonka ku yeesheen wasiirrada Arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Iran, sida ay Al-jazeera ka soo xigatay Wasaaradda Arrimaha dibadda Shiinaha.

Taageerrada Shiinaha ee Iran ayaa ku soo aaday xilli ay Iran ku hanjabayso inay qaadi doonto weerar ka dhan Israa’iil oo ay uga jawaabayso dilka ka dhacay gudaha Iran ee madax xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh.