Heemaal News Network

DEG DEG: Qarax Labaad Oo ka Dhacay Aaga Hotelka SYL iyo Wararkii u Dambeeyey

Qarax labaad ayaa goor dhow ka dhacay aaga hotelka SYL oo ku yaalla Xeyndaabka xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo rasaas goos goos ah halkaas laga maqlayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gudaha Hotelka ay dhex dagaalamayaan rag hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab.

Ciidamada ammaanka DF ayaa xiray aaga Hotelka SYL iyo nawaaxiga xarunta Madaxtooyada Somalia oo amaankeeda la xoojiyey.

Weli ma cadda sida rasmiga ah ee uu weerarkaas u dhacay iyadoo dad badan ay isweydiinayaan sida Hotelka SYL oo dhinacyadiisa ay yaallaan Koontaroolo adag Xitaa qof caadi ah oo aan ID wadan mari karin, sida qarax iyo rag hubeysan ku tageen, iyadoo ilaalada hubeysan xilliyada qaar laga reebo baabuurta madaxda.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo noqonaya kii ugu weynaa ee mudooyinkan ka dhaca Muqdisho, isagoo ku soo beegmay xili la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan oo inta badan looga bartay kooxdan iney xoojiso weerarada.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidanka SSC ah Oo Galabta Hawlgal Ay Kuso Qabtay Ragii Habarjeclo Ee Gaadaha Ahaa.. Ciidanka SSC Khaatumo Hawlgal Deegaanka Coodanle Kaka soo qabtay Ragii Habarjeclo Ee Gaadaha Ahaa

Heemaaln

Daawo Cadaymaha ku Gadaaman Weerarkii Hotel SYL .

Heemaaln

Cadeymaha sidii Khawaarijtu Qaraxyada Dhagarta ah Uga Fuliyeen Suuqa Bakaaraha.

Heemaaln