Heemaal News Network

DFS Oo Looga Digay in ay Faragaliyaan Doorashada ka Dhaceysa Somaliland

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland, ayaa looga digay dowladda Soomaaliya in ay sheegato qabsoomida doorashada dadweynaha ee ka dhaceysa 13-ka bishan deegaannada maamulka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xun tahay in xukuumadda Soomaaliya ay ku magac doonato doorashooyinka xorta ah ee dadweynaha Somaliland kusoo dooranayaan madaxda hoggaamineysa .

Somaliland ayaa sheegtay in hannaankooda dimuqraadiyadda uu 34 jirsatay, halka ay sheegeen in Soomaaliya aanay 64 sannadood aanay wax doorasho ahi taariikhdeeda ka qabsoomin, hase ahaatee ay si been abuur ah u sheeganayso guullaha Somaliland ka gaartay doorashooyinka.

Qoraalka kasoo baxay Somaliland ayaa loogu digay dowladda Soomaaliya in ay xushmayso madax-bannaanida Somaliland, kana fogaadaan in ay farogeliyaan doorashooyinka ka qabsoomaya Somaliland 13ka Bishan November 2024 ee madaxtooyada iyo xisbiyadda.

Somaliland ayaa sheegtay in doorashada 13-ka bishan ka dhaceysa deegaannadooda yihiin kuwa muddo laga soo shaqeeyay, waxa ayna xuseen in ay joogaan oo ay ka qeyb galayaan 90-xubnood oo ah goobjoogayaal caalami ah oo ka socda dalal iyo ururo kala duwan.