Heemaal News Network

Dhallinyaro Careysan Oo Maanta Rabshado ka Sameeyay Muqdisho

Waxaa maanta laamiga Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho dibadbax rabshado watay ka dhigay dhallinyaro u badnaa kuwa ku shaqeesta mooto Bajaajta, waxa ayna ka cabanayeen canshuur kordhin iyo culeesyo hor leh oo la saaray.

Qara kamid ah dhallinyarada wadayaasha ka ah mooto Bajaajta ayaa sheegay in bishii ay shaqeeyaan 15 maalin kaliya lagana qaado lacag canshuur ah , waxa ayna hadda sheegeen in lagu soo kordhiyay culees kale oo ah in ay qaataan leesin ayna awoodin in ay bixiyaan lacagta lagu goosto.

Dhallimyaarda dibadbaxa dhigayay ayaana tuurayay dhagxaan, waxaana dhankooda mararka qaar rasaas ku ridayay ciidamada ammaanka oo isku dayay in ay xoog ku kala eryana dhallinyaradan mootooleyda ah ee ka cabanaya canshuurta iyo culeesyada hor leh ee la saaray.

” Ballantii ayey nooga baxday dowladda oo aheyd in canshuurta nalaga dhimayo, halkii aan sugeynay canshuur dhimis ayaaba culeesyo hor leh nala saaray, waddooyinka kuwa xiran iyo kuwa jaam ah oo labo saac hal qof la wadayo waaye” ayuu yiri mid kamid ah dhallinyarada Bajaajlayaasha ah.

Madaxda dowladda ayey ugu baaqeen in lasoo faragaliyo culeesyada heesta ee horseedi kara in ay shaqo la’aan noqdaan kana tahriibaan dalka, waxa ayna sheegeen in xaalada hadda kagu jiro aan lagu sii shaqeyn karin ayna nolosha kusii adkaaneyso,.

Ciidamada booliiska iyo kuwa taraafikada ayaana jid kasta u taagan dhallinyarada mooto Bajaajta ku shaqeeya, waxa ayna ciidamada weediinayaan leesin , darawalkii laga waayo ayaana la weediinayaa in uu bixiyo lacag baad ah , haddii uu diidana waxaa loo taxaabayaa xabsiga.