Heemaal News Network

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Bin Salmaan Oo Qasriga Makka ku Qaabilay Taliyaha milateriga Suudaan

Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga. Maxamed Bin Salmaan ayaa qasriga Al-Safa ee Makka ku qaabilay Taliyaha milateriga Suudaan ahna madaxa golaha ku meel gaadhka ah ee sida rasmiga ah u maamulaya Suudaan, Janaraal Cabdi Fattax Al-Burhan.

Maalin kaddib markii milateriga ay si dhammeystiran ula wareegeen gacan ku heynta caasimadda Suudaan ee Khartuum. Inta uu kulanka socday waxaa laga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Suudaan iyo dadaallada socda ee lagu gaarayo amniga iyo xasilloonida, iyadoo labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen in la dhiso gole isku-dubarid si loo xoojiyo xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Janaraal Cabdi Fattax Al-Burhan , ayaa sidoo kale booqanaya Turkiga , halkaa oo uu kula kulmi doono Erdogan , waxaana lagu sheegay booqashada labadan dal inuu ku doortay Janaraal Al-Burhaan inay ahaayeen dalalkii dhaqaalaha iyo taageerrada milateriba ku siiyay ciidanka Suudaan inay burburiyaan kooxda RSF oo hadda inta badan saldhigyadii muhiimka ahaa ee ay ka joogeen Suudaan lagala wareegay.