Dhex dhexaadiyaasha xabbad-joojinta Qasa ayaa la sheegay inay ka quusteen iskuday kasta , taasina ay hadda dhalisay in la iska laabay faylashii la xiriiray raadinta heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaca Qasa.
Hadda Israa’iil ayaa u aqoonsatay dagaalka Qasa , furinta labaad, iyagoo culeyskooda ku tuuray dhinaca Lubnaan.
Toddobaadkan sidoo kale waxaa laga arkay gudaha marinka Qasa inay adeegsanayso Israa’iil hannaan go’doomin ah, waa sababta aan u aragnay in dagaalyahannada Xamaas ay bannaanka usoo baxayaan iyagoo ku beegsanaya goobahooda ciidanka Israa’iil, sababtoo ah siyaasadda go’doominta waa mid halis ku ah Xamaas.