Ugu yaraan hal qof oo Israa’iili ah oo lagu sheegay booliis ayaa lagu dilay 10 kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalada Beersheba ee koonfurta dhulka ay Israa’iil heysato, maalin ka hor sanadguurradii koowaad ee weerarkii 7-dii Oktoobar.
Weerarka oo ay si dhaqso ah usoo dhaweysay Xamaas ayaa ka dhashay markii nin hubaysan oo gudaha u galay makhaayad McDonald ku dhaweyd xarun basaska laga raaco, kaasoo rasaas ku furay Israa’iiliyiintii goobta joogay.
Booliiska Israa’iil ayaa sheegaya ninka weerarka geystay oo 29 jir heysta dhalashada Israa’iil in isagana la dilay. Weerarkan ayaa muujinaya koror aan caadi ahayn oo la xiriira toogashada iyo weerarrada ka dhacaya gudaha Israa’iil, iyadoo la xasuusto togashadii ugu dhimashada badnayd inay toddobaadkii hore ka dhacday Tel Aviv.