Dibad baxa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), guddoomiyaasha degmooyinka, aggaasimayaal, iyo kumanaan kamid howl wadeenada maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dibad baxa ka hadlay ayaa uga mahadceliyay madaxda Qaranka guulaha isdaba jooga ah ee ka gaareen siyaasada arrimaha Dibadda iyo Gudaha, kuwaas oo horseed u ah in Soomaaliya ay markale cagaheeda si buuxda ugu istaagto