Heemaal News Network

Dibadbax Rabshado watay Oo Maanta Mar kale ka Dhacay Muqdisho

Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho, gaar ahaan laamiga Maka Al Mukarama ka dhacay dibadbax rabshado watay oo ay dhigayeen dhallinyarada wadayasaha mooto Bajaajta, kuwaa kasoo horjeeda canshuur kordhin iyo culeesyo kale oo la saaray.

Dibadbaxayaasha ayaa mootooyinka ay wateen ku xireen isgooska KM-4 ee Muqdisho, waxa ayna gaadiidka dadweynaha iyo kuwa dowladdaba u diidayeen in laamigaasi maraan, iyaga oo sheegayay in halkaasi ku muujinayaan cabashadooda.

Dhallinyaarada dibadbaxa dhigayay ayaa mararka qara dhagxana ku tuurayay askarta rasaata ku rida ee doonaya in laamiga xoog ku maraan, waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ay kamid yihiin ama dhimasho ama dhaqan wannaagsan.

Qaar kamid ah dibadbaxayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysaan u dulqaadan karin culeesyada badan ee la saarayo xilli bishii ay shaqeeyaan 15-maalin kaliya, waxa ayna sheegeen in aysan awoofion lacagta badan ee leesi8nka ee lagu xiray bixintooda.

Waxa kale ay sheegeen wadayaasha mooto Bajaajta in jid kasta u taagan yahay askari uuna ka rabo lacagh baad ah, waxa ayna xuseen in aysan sidaan kusii shaqeyn karin uguna baaqayaan dowladda in ay wax ka qabato cabashadooda.

Dibadaxan ayaa noqonaya maalintii labaad oo xiriir ah oo laamiga Maka Al Mukarrama ka dhigayaan wadayasaha mooto Bajaajta, kuwaa oon dowladda ilaa hadda cabashadooda aysan ka jawaabin wax muuqdana aysan ka qaban.