Heemaal News Network

Dibed baxayaal ka careysan Netanyahu Oo ku Yaacay Baarlamanka Israel.(Sawiro)

Xubnaha qoyska la haystayaasha ee lagu haysto Gaza ayaa xoog ku galay baarlamaanka Israel.

Fiidiyow ayaa muujinaya xubnaha qoysaska oo kor u qaadaya kuraasta oo rinji jaalaha ah saaraya sawir-gacmeedyo muraayadda sare ee baarlamaanka.

Mudaaharaadayaal kale ayaa istaagay iyaga oo gacmaha ku wata rinji huruud ah oo gacmaha kor u taagay.

Xubnaha mucaaradka ah ee Knesset ayaa iyaga ku biiray, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah RW Israel.

Dibad-baxayaasha ayaa isaga baxay wax yar ka dib markii ay galeen goobtaas, markii hal nin ay si xoog ah uga saareen ciidamada ammaanka.

Wasiirka xukuumadda ee dagaalka Benny Gantz ayaa ku booriyay xasillooni ka dib mudaaharaadyo “rabshado wata” oo looga soo horjeedo xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Habeenimadii Talaadada, qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha dawladda ka soo horjeeda ayaa jebiyey baraha amniga ee u dhow hoyga Netanyahu ee Jerusalem sida laga soo xigtay muuqaalada warbaahinta bulshada. Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in la xiray dhowr qof.

“Waa mamnuuc in aan aqbalno rabshadaha qayb kasta, waa mamnuuc in la iska indhatiro tilmaamaha bilayska iyo jabinta xayndaabyada” ayuu yiri Gantz”

Booliiska ayaa sheegay in inta badan dibad baxayaasha ay u dhaqmeen si sharciga waafaqsan, qaar ayaa isku dayay inay gaaraan hoyga Ra’iisul Wasaaraha oo la xiray.

Iyadoo todobaad walba ay magaalada Tel Aviv ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, ayaa haddana dibadbaxayaashu waxay toddobaadkan u guureen magaalada Quddus si ay uga mudaaharaadaan fasaxa baarlamaanka ee Knesset, iyagoo ku baaqaya in doorasho cusub la qabto, dowladduna ay wax badan ka qabato sidii loo sii deyn lahaa la haystayaasha harsan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

M/Putin Oo ku Dhawaaqay inuu Tageeri doono Iran Hadii Maraykanku Dagaalka soo Galo

Heemaaln

Ilaalada Kacaanka Iran Oo Qabsaday Markab Xamuul Oo Xiriir la leh Israel.

Heemaaln

Madaxweyne Biden & Netanyahu Oo Mar kale Isku Maan-dhaafay Arrimaha Dagaalka Gaza.

Heemaaln