Dibad baxayaal careysan ayaa maalintii labaad isugu soo baxay waddooyinka magaalada Tel aviv iyo magalooyin kale, waxaana ururka shaqaalaha ugu weyn uu billaabay shaqo joojin guud si ay dowladda ugu cadaadiyaan inay gaaraan heshiis lagu soo celinayo la haystayaasha weli gacanta ugu jira Xamaas, ka dib markii lix maxaabiis ah oo meyd ah laga helay Gaza.
Shaqo joojinta ayaa hakad gelisay gaadiidkii iyo adeegyadii caafimaadka ee dhowr degmo oo Israa’iil ah waxaana la xiray dukaamo iyo ganacsiyo badan kadib markii madaxa ururka shaqaalaha oo ka wakiil ah boqolaal kun oo shaqaale ah uu ku baaqay in la joojiyo guud ahaan shaqada dalka oo dhan.
Meydadka lixda qof ee la qafaashay, oo la toogtay intii u dhaxaysay 48-72 saacadood ka hor intaanay helin ciidamada Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, waxay ka kicisay mowjad murugo iyo caro ah Israa’iil, taasoo keentay ugu yaraan nus milyan qof inay u soo baxaan waddooyinka Jerusalem iyo Tel Aviv.
Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu heshiis xabbad-joojin ah la gaaro kooxda Falastiniyiinta ee Xamaas, si dadka haray ee la haystayaasha ah loogu soo celiyo dalkooda.
Isniintii, kumannaan kun ayaa mar kale isugu soo baxay Tel Aviv, iyagoo lulaya calanka Israa’iil korna u haya sawirrada 101 qof oo lagu heysto Gaza.
Professor Yehuda Ullmann, oo ah madaxa qaybta qalliinka ee Isbitaalka Rambam ee Haifa, ayaa sheegay in shaqa joojinta ay ka hortimid dhaqaatiirta u heellan badbaadinta bukaannada.
Laakiin hadda waxaan ku jirnaa xaalad aad iyo aad u adag, annaga iyo dalka oo dhan, sababtoo ah la haystayaasha. Shalayna waxay ahayd malaha maalin adag,” ayuu yiri.
Ka dib markii uu soo farageliyay Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich, Maxkamadda Shaqaalaha ee Israa’iil ayaa xukuntay in shaqo joojinta guud ay tahay in la soo afjaro 2:30 duhurnimo. (1130 GMT), isagoo sheegay in shaqo joojintu aysan lahayn sal dhaqaale oo ay inta badan tahay mid siyaasadeed.
“Waxaan ku noolnahay waddan sharci ah, waxaana ixtiraameynaa go’aanka maxkamadda, sidaas darteed waxaan farayaa qof walba inuu ku soo laabto shaqada 2:30 duhurnimo,” ayuu yiri guddoomiyaha Histadrut Arnon Bar-David, maalin ka dib markii uu ku tilmaamay shaqo-joojinta “mid ka oohin ah soo celinta la haystayaashii”.
Qaar ka mid ah adeegyada gegida diyaaradaha ee Ben Gurion, oo ah xudunta u ah gaadiidka cirka ee Israa’iil, ayaa hakad la geliyay subaxnimadii, in kasta oo duullimaadyadii imanayay ay weli soo degayeen halka adeegyada basaska iyo tareennada fudud ee meelo badan la hakiyey