Heemaal News Network

Dil Iyo Dhaawac loo Geystay Maxaabiista Israa’iiliyiinta Ee Gacanta Ugu jira Xamaas.

Mid ka mid ah maxaabiista Israa’iiliyiinta ee gacanta ugu jira Xamaas ayaa la dilay labo kale oo dumar ahna way dhaawacmeen.

Dilka iyo dhaawaca ayaa la sheegay inuu geystay mid ka mid ah ciidanka Xamaas ee ilaalinayay maxaabiistan,waxaa socda dadaallo lagu badbaadiyo labada dumarka ah oo la sheegay inuu dhaawac culus soo gaaray,sida uu goor dhow sheegay afhayeenka guutooyinka hubaysan ee Xamaas, Cubayda oo intaa ku daray in guddi gaar ah dhacdadan loo soo saaray.

Waa markii ugu horreysay oo mid ka mid ah ciidanka ilaalada maxaabiista Xamaas uu dilo maxbuus Israa’iili ah, sida laga arkay hadalka Cubayda oo dhacdan mas’uuliyadeeda dusha u saaray Israa’iil oo uu sheegay inay xasuuq geysanayso , hortaaganna heshiisyada lagu sii deynayo maxaabiista , waxay u muuqata in maxbuuska uu u dhintay carada weerarrada ay geysanayso Israa’iil, tan oo walaac horleh ku beeraysa qoysaska Israa’iiliyiinta oo hadda arkaya xaalad ah in duqeymaha haddii ay ka badbaadaan maxaabiista ay la kulmi karaan carada ciidanka ilaalinaya ee Xamaas.