Diyaarad rakaab ah oo ka soo duushay dalka Asarbayjan kuna sii jeeday dalka Ruushka, ayaa ku burburtay meel u dhow magaalada Aktau ee dalka Kazakhstan, sida ay bayaan ku sheegtay wasaaradda xaaladaha degdegga ah ee dalka Kazakhstan.
Diyaaradan oo duullimaad numberkeedu ahaa J2-8243, diyaaradda Embraer 190, waxaa saarnaa 62 rakaab ah iyo shan qof oo iyana ahaa shaqaalaha, diyaarada ayaana lagu qasbay inay si degdeg ah u degto meel 3km (1.8 mayl) u jirta magaalada Aktau.
Inta la xaqiijiyay 28 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa ka badbaaday shilkan, waxaana la dhigay isbitaal sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Wakaalladda Wararka Ruushka ee Interfax ayaa ka soo xigatay Wasaaradda in laga yaabo inay jiraan dad kale oo bad-baaday, waxayna ka soo xigatay shaqaalaha caafimaadka ee goobta ku sugnaa inay sheegeen in afar qof oo mayd ah la helay.
Dabkii diyaarada qabsaday ayaa la sheegay in si deg deg ah loo damiyay, waxaana wararku sheegayaan in dadka dhintay ay ka badan yihiin 20-qof, waxaana socda wali gurmad loo fidinayo dadka shilka ku dhaawacmay iyo kuwa dhintay intaba.
“Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, diyaaraddu waxay codsatay in ay ku degto garoon kale ka hor inta uusan shilka dhicin…
Waaxda duulista hawada ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xogta hordhaca ah ay soo jeedinayso in duuliyuhu uu go’aansaday inuu si deg deg ah u dajiyo, kaddib markii uu shimbiro ku dhuftay. Aktau waxay ku taal xeebta ka soo horjeeda ee Badda Caspian ee Asarbayjan iyo Ruushka.
Maamulka Kazakhstan ayaa sheegay in guddi dowladeed loo saaray baarista sidii ay wax u dhaceen, waxaana xubnahooda lagu amray in ay u duulaan goobta, ayna hubiyaan in qoysaska dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay helayaan gargaarkii ay u baahnaayeen.