Heemaal News Network

Diyaarad uu la Socday Madaxweyne Afrikan ah oo Xaalad Halis ah gashay

Duulimaadyadii ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyay garoonka weyn ee Liberia habeenimadii Khamiista ka dib markii diyaarad khaas ah oo uu la socday madaxweyne Joseph Boakai ay ku dhawaatay inay shil gasho xilli ay soo caga dhiganaysay.

Qayb ka mid ah qalabka ay diyaaradda madaxweynaha ku degi lahayd ayaa cilad ku timid markii ay ku soo dhawaatay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, taasoo keentay inay si xun u soo degto, maamulka garoonka ayaa sidaas sheegay.

Dhacdadan oo argagax ku abuurtay garoonka ayaa waxa ay qasabtay in la joojiyo dhamaan duulimaadyadii la qorsheeyay in ay habeenkii dhacaan, sida ay ku warantay warbaahinta gudaha.

Madaxweyne Boakai, oo ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Nigeria isaga iyo xubnihii la socday, ayaa si nabad gelyo ah looga soo saaray, iyadoo aan waxba gaarin, iyadoo mas’uuliyiintu ay ku dhawaaqeen baaritaan.

Warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa maamulka garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in mid ka mid ah taayarka diyaaradda uu ciladoobay markii ay soo degeysay, taasoo keentay in ay ku go’do dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

War qoraal ah oo uu soo saaray maamulka garoonka diyaaradaha ee Liberia (LAA) ayaa lagu xaqiijiyay “xaaladda shilka ku dhow ee nasiib darada ah” ee ay ku lug leedahay diyaarada madaxweynaha.

Maamulka ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in shilkan uu ka dhashay xaalad xun oo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordain ah.

“Kaabayaasha dhabaha-diyaaraddu waxay ahaanayaan kuwo si buuxda ugu hoggaansan heerarka badbaadada duulista,” LAA ayaa tiri.

Diyaaradan ayaa tan iyo markii laga saaray dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, waxaa dib u bilowday howlihii caadiga ahaa ee garoonka, sida maamulka uu sheegay.

“Marxaladdan, baaritaan lagu xaqiijinayo sababta dhabta ah ee shilkan ayaa socda, maamulka garoonkana wuu la socodsiin doonaa shacabka,” LAA ayaa tiri.

Madaxtooyada Liberia ayaan weli ka hadlin dhacdadan balse waxay baahisay sawirrada Boakai oo ka soo degay garoonka, halkaas oo uu si kooban ula hadlay saxafiyiinta isagoo aan sheegin arrinta diyaaradda.

Waxa uu u aaday Nigeria si uu uga qayb galo sanad guuradii 50 aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka dhaqaalaha gobolka Galbeedka Afrika (Ecowas).