Madaxweyne ku-xigeenkii dalka Malaawi iyo mas’uuliyiin kale oo dalkaas8 ah ayaa diyaarad millateri la luntay,sida ay sheegtey Madaxtooyada dalkaasi.
Waxaa socda baadigoobka diyaarad la waayay uu la socday madaxweyne ku xigeenka dalka Malawi Saulos Chilima.
Diyaaradda ayaa radaarka laga waayay tobankii subaxnimo waqtiga dalkaasi, ilaa markaa kaddibna waa la la’aa.
Warsaxaafadeed dowladda Malawi ay soo saartay ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo aheyd tan ciidamada dalka oo ay la socdeen madaxweyne ku xigeenka iyo sagaal kale aysan imaan garoonka caalamiga Mzuzu.
Madaxweynaha ayaa joojiyay safar uu ku tagi lahaa jasiiradaha Bahamas, waxa uuna dalbaday in ha’yadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ay sameeyaan howlo baaris iyo samatabixin degdeg ah si loo helo diyaaradda.
Sikastaba ha noqotee dhawaan ayay ahayd markii markii ay diyaarad la luntay Madaxweynihii Iiraan.