Heemaal News Network

Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka Oo loo Daabulayo Qatar, kadib, Xayiraadii Imaaraadka

Sida uu daabacay Wargeyska The Wall Street Journal (WSJ), Maraykanka waxay bilaabeen inay diyaaradaha dagaalka, darooniska iyo diyaaradaha kale kala baxaan saldhigyada ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.

Saraakiisha Imaaraadka waxay u sheegeen milliteriga Maraykanka inaysan u adeegsan karin saldhigyada iyo hawada Imaaraadka inay ka qaadaan hawlgallada lagu duqeynayo dalalka Yemen iyo Iraq.

Bishii February, saraakiisha Imaaraadka waxay ku wargeliyeen Maraykanka inaan loo sii oggolaan doonin inay diyaaradaha dagaalka iyo kuwa darooniska Maraykanka u adeegsadaan saldhiga ciiddanka cirka ee Al Dhafra Air Base inay ka qaadaan duqeymaha ka dhanka ah dalalka Iraq iyo Yemen.

Sarkaal Imaaraati ah oo la hadlay Wargeyska WSJ ayaa xaqiijiyey xayiraadahaasi oo lagu saleeyey is-Difaac Nafeed (These restrictions are based on self-protection).

Saldhiga ciiddanka Cirka ee Al Dhafra Air base waxa uu qiyaastii ku-dhawaad 32 KM dhanka Koonfurta kaga toosan yahay caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi.

Docda kale, Saraakiil Maraykan oo la hadlay isla Wargeyska WSJ ayaa xaqiijiyey in diyaaradaha dagaalka iyo kuwa darooniska ee saldhiga ku lahaa Imaaraadka loo soo daabulay saldhiga ciiddanka cirka ee Al Udeid oo ku taalla K/Galbeed ee Caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Maamulayaasha dalka Qatar weli kuma aysan soo rogin Milliteriga Maraykanka mamnuucis la mid ah xayiraadihii ay dowladda Imaaraadka Carabta ku mamnuuceen diyaaradaha dagaalka Maraykanka inay ka qaadaan Duqeymaha ka dhanka ah dalalka Iraq iyo Yemen.

Si kastaba, xayiraadaha dowladda Imaaraadka waxay tooshka ku ifinaysaa xiisadda u dhexeysa dowladda Maraykanka iyo dalalka ku teedsan Gacanka Persian (The Persian Gulf countries).