Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa markii u horreysay ka hadlay xaaladda Suuriya, wuxuu sheegay inay mucaaradka ku dhowyihiin inay ridaan Bashaar Al-assad, isagoo duullaankooda ku tilmaamay mid cajiib ah oo si weyn loo qaabeeyay, wuxuu tilmaamay inuusan Ruushka awoodin inuu difaac Bashaar al-assad, markaa wuxuu sheegay inuu Ruushka wajahay dhimasho badan oo uu kala kulmay dagaalka Ukraine.
Trump ayaa caddeeyay waxa ka socda Suuriya inuusan Mareykanka waxba ka qaban karin — wuxuu ku tilmaamay Suuriya goob muhiim ah, ‘balse Mareykanka saaxiib lama aha’ ayuu yiri , isagoo intaa raaciyay in dagaalka socda uusan kooda ahayn oo ay tahay inay ciyaaraan mucaaradku..!
Ciidanka nidaamka Bashaar Al-assad ayaa isaga baxay deegaanka Harasta oo ay ku yaallan xaafadaha waqooyi-bari ee caasimadda Dimishiq, iyadoo markiiba laga maqlay masaajida Harasta takbiir looga falcelinayo bixitaanka ciidanka Bashaar Al-assad.
Ciidanka nidaamka Assad ayaa lagu warramaya inay isaga baxeen Magaalada Douma oo ku taal baadiyaha Dimishiq, iyadoo magaaladan ay ka mid ahayd goobihii uu Bashaar Al-assad u adeegsaday hub Kimiko ah.
Shabakadda Al Sharqia Post, ayaa ku warrantay in ciidanka militariga ee nidaamka Assad ay faarujiyeen xaruntii guud ee ciidanka cirka iyo taliskii cirka ee Dimishiq, waxayna ka tageen kaliya tiro yar oo ilaalo ah.