Heemaal News Network

Doorashada Madaxtinimo Iyo Baarlamaanka Oo ka Socota Rawanda

Dalka Rawanda waxa ka socota doorasho madaxtinimo, iyada oo la filayo in uu is cimaamado 66 jirka Paul Kagame, oo keliya wajaha laba musharraxa oo uu isagu u oggolaaday doorashasa; Frank Habineza iyo Philippe Mpayimana.

Kagame oo xilka haya 24 sanno, waxa uu doorashadii 2003 heley 95% codad ah, halka uu 2010kii heley 93% codad ah, 2017 na 99% coodadkii la dhiibtey, balse markan waxa uu filayaa in uu ku guuleystayo 100% codadka oo idil, sida ay werinayso warbaahinta dalkiisu.

Ha ahaado nin meesha aan ka socan, haddana waxa lagu tiriyaa kuwa tirada yar ee Bariga Afrika dadkooda wax u qabtay.