Heemaal News Network

Doorasho Qof iyo Cod oo Maanta Laga Taageeray Muqdisho (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay Shirweynaha Wacyigelinta Doorashooyinka ee hal ku dhigiisu ahaa โ€“ ๐˜ฟ๐™–๐™™๐™ฌ๐™š๐™ฎ๐™ฃ๐™ค๐™ฌ ๐˜ฟ๐™ค๐™ค๐™ง๐™–๐™จ๐™๐™ค โ€œ๐˜ฟ๐™ค๐™ค๐™ง๐™ค ๐™–๐™ข๐™– ๐™๐™– ๐™ก๐™–๐™œ๐™ช ๐˜ฟ๐™ค๐™ค๐™ง๐™ฉ๐™คโ€ iyadoona ujeedkiisu ahaa sidii ay bulshada wax ugu baran lahaayeen Sooyaalka Doorashooyinkii soo maray dalka iyo fahamka Doorashooyinka tooska ah (Qof iyo Cod).

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐ก ๐ˆ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐œ๐ข๐ข๐ฅ ๐…๐š๐ซ๐ญ๐š๐š๐  oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in diyaar garowga Maamulka iyo Bulshada Gobolka Banaadir ee Doorashooyinka tooska ah ay furo u noqoneyso albaabka doorashooyin qof iyo cod ee ka dhaca guud ahaan dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐€๐ฆ๐ข๐ข๐ซ ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka goโ€™an tahay sidii bulshada caasimadda loo gaarsiin lahaa Doorasho Qof iyo Cod, si ay usoo doortaan hogaanka Maamuli lahaa oo aan ku imaan magacaabis, waxa uuna xusay in dhawaan lasoo gaba-gabeeyay asteynta goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta dadweynaha ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Culumaโ€™udiin, Aqoonyahano Dadka baahiyaha gaarka qaba, dhalinyaro, Haween iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada, iyadoona xubnihii madasha ka hadlay ay dhamaantood hoosta ka wada xariiqeen ahmiyada uu dalka iyo dadka u leeyahay qabsoomida doorasho qof iyo cod.