Heemaal News Network

Doorka uu Turkiga ku lahaa Howlgalkii cCiidanka Mmucaaradka Suuriya Oo lasoo Bandhigay

Wararkii u horreyay oo soo bandhigaya doorka uu Turkiga ku lahaa howlgalkii ciidanka mucaaradka Suuriya ay ku gaareen Dimishiq illaa ay ku khasbeen inuu Bashaar Al-assad isaga cararo Dimishiq, taa oo soo gabagabeysay xukunkii muddada dheera ee reer Assad.

Shabakadda ka warranta militariga iyo sirdoonka fadhigeedu yahay Faransiika ee Intelligence Online, ayaa dhawaan ku warrantay inta uu socday howlgalka Suuriya inuu Turkiga burburiyay habkii isgaarsiinta militariga Suuriya ee ka amarqaata Bashaar Al-assad iyo kooxihii taageerrayay, markaa oo Turkiga uu adeegsanayay nidaamyadiisa ASELSAN’s Milkar 4A2 iyo ILGAR oo ah nidaamyo loo adeegsado dagaalka elektaroonigga. Taageerradan waxay ka caawisay Joolaani iyo ciidankiisa inaysan la kulmin wax iska caabin ah , iyagoo markaa dedejiyay inay gaaraan Dimishiq.

Madaxweynaha Turkiga ayaa soo baxay markii ciidanka ay ku sugnaayeen Xama, isagoo telefishinnada ka hor sheegay in ciidanka mucaaradka ay si nabad ah ku gaari doonaan Dimishiq; tan oo loo qaadan karo taageerrada Turkiga inay meesha ka saartay hababkii ay isku abaabuli lahaayeen ciidanka ka amarqaata Bashaar Assad oo si dhaqsaha ay u burbureen nidaamkooda difaaca.

Intaa oo kaliya ma sameyn Turkiga..!

Warka xiisaha leh ee hadda soo baxay, waa in la sheegay Turkiga inuu ku wargeliyay Carabta iyo dhammaan quwadaha kale ee markaa loo arkayay inay taageerri karaan Bashaar Al-assad in haddii quwad shisheeye soo wargeliyaan Suuriya si loo joojiyay mucaaradka in markaa Turkiga uu ku jawaabi doono howlgallo militari uu u oggolaanaya howlgalka mucaaradka in la dhammeystiro si ay xukunka uga tuuraan Assad, sidaa waxaa ku warrantay shabakadda wararka Sacuudiga ee Majalla oo xigatay sarkaal Carbeed oo u sheegay in wargelinta uu la wadaagay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan— dal kasta oo isku dayi karay inuu joojiyo ciidanka hadda la wareegay xukunka Suuriya..! Fidan marka uu soo bandhigay inuu Turkiga u-diyaarsan yahay inuu si dhaqso ah uga jawaabo nooc kasta oo faragelin ka dhan ah duullaanka mucaaradka , waxay ciidanka Joolaani uu hoggaaminayay ku sugnaayeen magaalada Xama.

Warkan dambe ma yahay mid dhab ah? Dabcan waxaan aragnay Bashaar Al-assad oo muddo badan ku sugnaa Dimishiq , xataa markii ay soo gaareen ciidanka Xama oo ay la wareegeen, tan oo la xiriirta in Bashaar uu ahaa mid sugayay surtagalnimada faragelin dibadda ah oo ka caawin karta joojinta ciidanka mucaaradka , si la mid ah wixii dhacay 2016— marka uu soo saaray qoraalkii u horreyay iyo midkii u dambeeyay tan iyo markii xukunka laga tuuray, wuxuu Bashaar Al-assad sheegay isagoo ku sugan Moscow , inuusan marna filan in xukunkiisa muddada toban maalin ah lagu burburiyo, isagoo qiray habkii difaaca ciidanka ka amarqaadanayay inuu burburay..!