“Waxaan ku boorinaynaa wasiirka amniga Somaliland inuu joojiyo gogol dhaafkan siyaasadeed” Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya.
Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya oo war-saxaafadeedkii kasoo baxay galabta Somaliland ee Dagaalka Dacawalay Ku tilmaamay Gogol dhaaf Siyaasadeed.
War qoraal ah oo Kasoo Baxay xafiiska Nabad Gelyada ddsi, ayaa Lagu yidhi “Waxaa nasiib darro ah in wasaaradda amniga ee Soomaliland ay si guracan oo kabaxsan daris-wanaaga iyo curfiga dawliga ah uga faalooto arrimaha ka dhacaya gudaha Deegaanka.
Waxaan ku boorinaynaa wasiirka amniga Somaliland inuu joojiyo gogol dhaafkan siyaasadeed, ilaaliyana xidhiidhka darisnimo iyo kan dawladnimo ee qeexaya arimahan oo kale”