Heemaal News Network

Dowlada Oo Digniin Adag u Dirtay Maraakiibta Jarriifka Ee Xeebaha Somaliya kawada.

Wasaaradda Kalluumeysiga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay dhammaan shirkadaha kalluumeysiga & milkiilayaasha maraakiibta, iyadoo ku amartay in ay u hoggaansamaan shuruucda ku xusan sharciga kalluumeysiga federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda kalluumaysiga waxay ku sheegtay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay in ay tallaabo ka qaadi doonto ciddii u hoggaansami weyda sharciga kalluumeysiga federaalka Soomaaliya.

“Iyadoo la raacayo qodobka 31-aad, jebinta xeerkan waxay keeni kartaa ganaax, xarig, la wareegida kalluunkii la qaatay iyo in lala wareego qalabka loo isticmaalo jariimada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaraddu waxay ku boorisay dhammaan shirkadaha kalluumaysiga iyo mulkiilayaasha maraakiibta inay si adag u dhawraan xeerarka ku xusan sharciga kalluumaysiga.

Maraakiib badan oo jarriif ah ayaa si sharci darro ah uga kalluumaysta xeebaha Soomaaliya.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa siidaysay kalluumayste ajaanib ah oo kasoo jeeda dalka Iiraan, kuwaas oo lagu qabtay iyagoo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha dalka.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa kalluumayste ku xukuntay xabsiyo dhaadheer iyo ganaax lacageed, hase ahaatee is afgarad dhexmaray Soomaaliya iyo Iiran ayaa keentay in lasii daayo kalluumaysatadaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Farmaajo Oo ka Hadlay Hakad ku yimid Safar Uu ku Tagi lahaa Deegaanada Khaatumo State

Heemaaln

Dowladda Oo ka Hadashay iney Hawada ka Celisay Diyaarad Caafimaad Oo Hargeysa ku Socotay

Heemaaln

“Kuwii Heshiiska Bada loo Xiray Wali Borama ku Xidhan Yihiin Kuwii Hargeysa-na waa la sii Daayay.” X/Waddani Awdal

Heemaaln