Heemaal News Network

Dowlada Somaliya Oo Shirkadaha Marekanka Ee Shidaalka Ugu Baaqday iney Khaatumo ka Baaraan

Safiirka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay dalka Maraykanka Magaalada Washington Danjire Daahir Xuseen ayaa ugu baaqay shirkadaha shidaalka baadha ee Maraykanka in ay dib ugu soo noqdaan doxada nugaaleed ee deegaanka SSC-Khaatumo si ay shiidaalka uga baadhaan.

Safiirku wuxuu qoraal uu ku soo qoray bartiisa (X) ku sheegay in SSC-Khaatumo loo aqoonsaday Dawlad Goboleed Soomaaliyeed isla markaana aysan ahayn deegaan xaalad ka taagan tahay.

Arrimahani waxay imaanayaan ka dib markii Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, halkaasna uu kaga dhawaaqay Dawlad Goboleed in loo aqoonsaday SSC-Khaatumo, isla markaana aanu deegaankaasi ahayn deegaan lagu muransan yahay ee uu toos uga tirsan tahay dawlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana warmurtiyeed ku soo saaray in deegaanku nabad yahay, loona baahan yahay in saaxiibada Soomaaliya toos ula shaqeeyaan Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Arrintan safiirku baahiyey waxay muujinaysaa sida ay Dawladda Federaalka uga go’an tahay in la meel mariyo heshiisyada lagaadhay, waxa kale oo ay u tahay daliil in dawladdu ka taliso gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer, taas oo dhanbaal u diraysa dawladda Maraykanka iyo loobiyada ka dhanka ah midnimada Soomaaliya.