Heemaal News Network

Dowladaha Somaliya iyo Sweden Oo Arrimo muhiim ah kawada Hadlay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada dowladda Sweden ee ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ee dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

“Dhinacyadaasi ayaa ka hadlay xoojinta dadaalada socda, taageerada dowladda Sweden ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya”.

“Wasiir Cabdulqaadir ayaa sharaxay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’antahay ciribtirka kooxaha khawaarijta iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dib u dhiska kaabayaasha kale ee muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Kulankaasi.

Dhankiisa, Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya, mudane Joachim Waern ayaa ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada xooggan ee ay dalkooda kaga xoreynayaan argagixisada oo ah kuwa dhibaato ku haya guud ahaan caalamka, isagoo balanqaaday in dalkiisu uu xoojinayo taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay qoraalka.