Heemaal News Network

Dowladaha Turiga iyo Masar Oo mideeyey Aragtidooda ku Aadan Arrimaha Soomaaliya

Madaxweyne Turkiga Rajab Tayib Erdoğan waxa uu xalay kulan khaas ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar Sameh Shoukry, iyo Wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi.

Afhayeenka ahna Agaasimaha Arrimaha Dibloomaasiyada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Masar, Ambassador Ahmed Abu Zeid ayaa sheegay inay Madaxweyne Erdoğan iyo Wasiir Sameh Shoukry ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Waddan, qalalaasaha Iran iyo Israel, qaddiyada Reer Falastiin iyo mideynta aragtida Masar iyo Turkiye ee ku aadan Arrimaha dalalka Syria iyo Libya.

Ambassador Abu Zeid waxa kale oo uu tilmaamay inay Madaxweyne Erdoğan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar si Khaas ah uga wada xaajoodeen kordhinta aragtida iskaashiga ee isla xiriirka Masar iyo Turkiga ee xaalladaha ka aloosan mandiqada Geeska Afrika, Somalia, xiisada Masar iyo Ethiopia ee Webiga Nile iyo guud ahaan arrimaha kala duwan ee ka jira Qaaradda Afrika iyo Mandiqada The Sahel and Sahara regions.

Dhanka kale, Wasiir Sameh Shoukry waxa uu u gudbiyey Madaxweyne Erdoğan qoraal khaas ah oo uu u soo dhiibay dhigiisa Masar, C/Fataax Saciid Xuseen Khaliil Elsisi, iyadoo la filayo inuu Madaxweyne Elsisi dhawaan booqasho rasmi ah ku tego dalka Türkiye.

Erdoğan waxa uu booqday dalka Masar bishii February 14-dii ee sanadkan, kadib, markii uu xiriirka labada waddan xumaaday markii xilka Madaxweynaha dalka Masar laga tuuray Maxamed Mursi Ciisa Al-Cayaat, kaasi oo talada dalkaasi hayey muddadii u dhexeysay sanadihii 2012 ilaa 2013.

Kadib, geeridii Madaxweyne Mursi ee bishii June 17-dii ee sanadkii 2019-kii waxaa xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo ubucda khilaafkaasi salka ku hayey xiriirka ay dowladda Turkiga la lahaayeen madaxda ururka Akhwaanul Muslimiinta Masar.