Burund Oo ka Hortimid ka Mid Noqoshada Ciidamada Nabad-ilaalinta Somaliya
Dowladda Burundi ayaa shaaca ka qaadday in aysan qayb ka noqonayn Ciidamada Nabad-ilaalinta Afrika ee Soomaaliya tegeya sannadka cusub; iyada oo saluugtey tirada kooban ee ah kun askari ee la siiyey.
Wakiilka Burundi ee Midowga Afrika, Willy Nyamitwe ayaa sidaasi u sheegey Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee Eybe Cabdi.