Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xafiiskiisa magaalada Boosaaso ku qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Michael Nithavrianakis.
Kulanka Madaxweyne Deni la qaatay Safiirka ayaa looga hadlay hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland , xoojinta Iskaashiga UK iyo Puntland, mashaariicda horumarin Uk ka fuliso deegaannada Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.
Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Michael Nithavrianakis, ayaa bogaadiyay guulaha Puntland ka gaartay dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish, waxa uuna sheegay in ay taageerayaan Puntland garabna ku siinayaan la dagaalanka argagaxisada .
Maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira kooxda Daacish ee fariisimaha ku leh buuraha gobolka Bari, waxaana Puntland dagaalka ku taageeraya diyaaradaha dagaalka dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka, kuwaa oo duqeymo ku garaacaya fariisimaha kooxda Daacish.