Heemaal News Network

Dowladda Itoobiya oo Jawaab ka bixisay hadal dhawaan kasoo yeeray dowladda Soomaaliya

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa jawaab ka bixisay hadal dhawaan kasoo yeeray dowladda Soomaaliya, oo dalbaneysay in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS laga saaro Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nabiu Tedla ayaa sheegay in aysan jirin ilaa hadda dalab kaga yimid dowladda Soomaaliya oo lagu codsanayo in ciidankooda looga saaro Soomaaliya.

Waxa uu sheegay afhayeenka in aysan jirin xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Soomaaliya oo ku aaddan arintaan, waxa uuna intaa ku daray ay sii wadayaan howlgalada amni ilaalinta ay ka hayaan Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha bixistana wali aan go’aan la gaari karin , maadaama aan weli la helin ciidamadii bedeli lahaa ciidamada ATMIS ee ka socda dalka Itoobiya, kuwaa oo ku sugan qaar kamid ah gobolada dalka.

Hadalkan kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa kusoo aadaya xilli uu meeshii ugu xumeyd gaaray xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa ayna dowladda Soomaaliya dooneysaa in ciidabka Itoobiya dalka laga saaro.