Heemaal News Network

Dowladda Jabuuti Oo ku Gacansaytay Codsiga Itoobiya Ee Marin Badeed iyo Saldhig ciidan

Dowladda Jabuuti ayaa si cad u diiday codsi ay dowladda Itoobiya kaga dalbatay in laga siiyo xeebaha Jabuuti marin badeed iyo deked u gaar ah.

Sida uu sheegay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Itoobiya ayaa dhawaan Jabuuti u dirtay wafdi wata codsi ay ku doonayso in marin badeed laga siiyo dhul xeebeedka Jabuuti gaar ahaan dekedda Tojora, halkaas oo ay sidoo kale dooneyso inay ka dhisato saldhig ciidan badeed — arrintaasi oo uu Geelle ku tilmaamay mid dhaawacaysa madax-bannaanida dalkiisa.

Geelle wuxuu sheegay in Jabuuti horey ugu soo bandhigtay Itoobiya iskaashi dhinaca horumarka dhaqaalaha ah iyo adeegsiga dekedaha, balse codsiga Itoobiya ee ah in la siiyo dhul ay u madax-bannaan tahay uu yahay mid xad-dhaaf ah, sidaas darteedna aan la aqbali karin.

“Itoobiyaanku waxay noo soo direen wafdi wata codsi aanan aqbali karin: kaasoo ah in la siiyo dhul ay u madax-bannaantahay oo u dhexeeya xadka iyo dekedda Tojora, si ay halkaas uga samaystaan saldhig ciidan oo badeed,” ayuu ku yidhi Madaxweyne Geelle waraysi uu siiyey Jeune Afrique. “Taasi ma ahayn wax aan horey ugu heshii­nnay, sidaas darteedna arrintaa gebi ahaanba waan xidhnay.”

Itoobiya ayaa noqotay dal aan bad lahayn tan iyo markii Eriteriya ay ka go’day sanadkii 1993. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo xilka qabtay sanadkii 2018, ayaa si cad u sheegay in dalkiisu u baahan yahay marin toos ah oo uu badda kaga gaadho. Hadalkan ayaa walaac xooggan ka abuuray waddamada deriska la ah Itoobiya, sida Soomaaliya iyo Eriteriya.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in xaaladdu hadda degan tahay, taasoo uu tilmaamay inay sabab u tahay dhexdhexaadin uu Turkigu sameeyay, kadib markii ay cirka isku shareertay xiisaddii ka dhalatay heshiiskii ay wada gaadheen Itoobiya iyo Somaliland oo ay Muqdisho ka cadhootay.

Geelle wuxuu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay si xor ah u isticmaali karto dekedaha Muqdisho, Berbera, Jabuuti iyo Casab, islamarkaana aysan muhiim ahayn inay si gaar ah u maamusho dekedahaas, maadaama ay adeegsan karto iyada oo aanay faragelin madax-bannaanida dalalka leh.

“Waxaan qabaa in Abiy Axmed uu fahmay in aanu sheegashadiisa ku gaadhi karin xoog,” ayuu yidhi Geelle.”Itoobiya waxay si nabad ah u isticmaali kartaa dekedaha Casab, Jabuuti, Berbera iyo Muqdisho iyadoo aan waxyeelayn madax-bannaanida waddamada jaarkeeda.”

“Dhexdhexaadinta uu Turkigu sameeyay waxay ka ciyaartay door wanaagsan xaaladda. Anaguna waxaan si toos ah ugu sheegnay Addis Ababa in Jabuuti aysan ahayn Crimea,” ayuu yidhi Geelle, isaga oo ula jeeda in Itoobiya aysan awood u lahayn inay Jabuuti ku qabsato xoog, sida uu Ruushku gobolka Crimea uga qabsaday Ukraine sanadkii 2014.

Itoobiya oo sannadihii u dambeeyay ku jirtay dadaallo ay ku raadineyso marin badeed, ayaa bilowday inay dhisto ciidan badeed oo xooggan. Waxay soo iibsatay maraakiib dagaal iyo doonyo, waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah loo furo xarun weyn oo ciidanka badda Itoobiya ay ku yeelan doonaan magaalada Addis Ababa.

Itoobiya waxay dhismaha ciidankeeda badda kala kaashanaysaa dowladda Ruushka, waxayna aaminsan tahay in ay lagama maarmaan u tahay in ay saldhig ciidan ka hesho Badda Cas ama Gacanka Cadmeed — arrintaasi oo ay u aragto inay kor u qaadi karto awooddeeda iyo saameynteeda gobolka.